Madaxweyne-hore ee Ruushka Dmitri Medvedev ayaa hadal muran badan dhaliyay ka jeediyay waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, kaddib markii la sheegay in la afduubtay madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro. Medvedev wuxuu sheegay in Ruushku ka fikiri karo hawlgal la mid ah kanas, isaga oo si gaar ah u xusay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz.
Medvedev (60), oo hore u soo noqday madaxweynaha Ruushka isla markaana hadda ah ku-xigeenka madaxa Golaha Amniga Qaranka, ayaa tilmaamay in dhacdada la xiriirta Maduro ay “tusaale” u noqon karto tallaabooyin la mid ah oo laga qaado hoggaamiyeyaal kale. Hadalkaas ayuu ku daray magaca Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz (70), taas oo keentay falcelin ballaaran iyo walaac amni.
Inkasta oo uusan Medvedev si cad u faahfaahin qorshe ama tallaabo rasmi ah, hadalkiisa ayaa loo arkay cagajuglayn siyaasadeed iyo kor u qaadidda xiisadda u dhaxaysa Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Jarmalka. Xiriirka Berlin iyo Moscow ayaa horeyba u xumaa, kaddib mowqifka Jarmalka ee dagaalka Ukraine iyo cunaqabataynta saaran Ruushka.
Dhinaca kale, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka oo si toos ah uga jawaabaya hadalka Medvedev. Khubaro amni iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa hadalkan ku tilmaamay hadal kicin ah oo aan ku dhisnayn xaqiiqo hawlgal, balse ujeeddadiisu tahay cadaadis siyaasadeed iyo cabsi gelin.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan hadallada adag ee ka imanaya mas’uuliyiinta Ruushka, kuwaas oo inta badan adeegsada warbaahinta si ay farriimo u gaarsiiyaan reer Galbeedka. Khubaradu waxay sheegayaan in hadalladan oo kale ay sii fogeynayaan wada-xaajoodyo kasta oo mustaqbalka dhici kara.
SomaliSwiss Media

