Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.
Hawlgalka oo dhacay xilli habeen saqdhexe ah ayaa lagu dilay 15 dhagarqabe, halka 8 kale gacanta lagu dhigay, sida ay xaqiijiyeen ilo amni. Ciidamada ayaa si guul leh uga baxay goobta hawlgalka iyagoo aan wax khasaare ah la kulmin.
Hawlgalkaan ayaa muujinaya kororka awoodda hawlgaleed ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan dhanka isku-darka ciidanka dhulka iyo taageerada cirka, taas oo sahashay in cadowga lagu beegsado meel kasta iyo waqti kasta.
Dhanka kale, habeen ka hor ayay Ciidanka Danab hawlgal kale oo la mid ah ka fuliyeen deegaanka Buula-fulaay ee gobolka Bay, halkaas oo lagu dilay ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadeysa hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo ballanqaadday in la xoreyn doono dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.
SomaliSwiss Media

