Senator Cismaan Abukar Dubbe Oo Sheegay In Somaliland Guul Gaartay Kadib Ictiraaf Ay Ka Heshay Israa’iil

BySomaliSwiss

December 28, 2025

Muqdisho – Senator Cismaan Abukar Dubbe, oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay kursigiisii, isaga oo sabab uga dhigay cadaawad uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku hayo bulshada uu kasoo jeedo ee Somaliland.

Senator Dubbe ayaa sheegay in markii hore uu aaminsanaa midnimada Soomaaliya, isla markaana uu u soo aaday Muqdisho rajada dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo xooggan, balse uu markii dambe ogaaday in dowladda Federaalka aysan daacad ka ahayn himiladaas.

Is-casilaadda Senator Dubbe ayaa timid kaddib markii Somaliland ay sheegtay inay ictiraaf ka heshay Israa’iil, taas oo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Somaliland.

SomaliSwiss Media