Dalalka Carabtu waxa ay safka hore kaga jiraan waddamada xidhiidhka dhow la leh Israel sida tooska ahna macaamilka ula yeeshay
Carabtu waxa ay ka mid yihiin dalalka ugu badan ee aqoonsaday haddana xidhiidhka la samaynaya Talaabiib waxana waddamadaas ka mid ah.
1: Masar.
Masar waxa ay Isra’el aqoonsatay sannadkii 1979-kii, waxana ay ku heshiiyeen in ay noqdaan dalal is aqoonsan oo is garab yaalla yeeshana xidhiidh saaxiibtinnimo oo aad u weyn, Maxamed Anwar Saadaat, waxa uu noqday madaxweynihii koowaad ee Carbeed ee ka dega Talbiib, kuna biira safka Israaiil. Maanta xidhiidh aad u weyn ayaa ka dhexeeya Israaiil iyo Masar, waxana dhowaan labada dhinac dhex maray heshiis dhinaca shidaalka ah.
2: Urdun.
Urdun ama Joordan waa dal ka mid ah waddamadii Carbeed ee aqbalay in ay aqoonsadaan Israiil, waxayna Cammaan Israeul xidhiidh la yeelatay sannadkii 1994-kii, markaas oo wixii intaa ka dambeeyey ay noqdeen dalal leh xidhiidh aad u balaadhaan.
Urdun waxa ay ogolaatay in Isra’el maamuusho qaybo badan oo ka mid ah magaalada Qudus oo hore ugu jirey gacanta Joordan, waxayna kala shaqaysay in la daba gooyo kooxaha wax iska caabinta ee halkaas ka dhisan.
3: Imaaaraadka Carabta.
Imaaraadka Carabtu waxa uu safka Israel ku biiray sannadkii 2020-kii, markaas oo ay wada galeen heshiiskii Ibraahimiyada ee dhex maray dhinacada Isra’el iyo Carabta.
Labada dhinac waxa ay hadda wadaagaan xidhiidh dhaqaale oo aad u xooggan, sanadki 2022-kii oo keli ah waxa Isra’el iyo Imaaraadka dhex maray xidhidh ganacsi oo qiime ahaan ka sarreeya 2.5 Bilyan Dollar.
4: Baxryan.
Dawladda Baxrayn waxa ay Israel aqoonsatay sannadkii 2020-kiii, waxana ay ku biirtay heshhiiska Ibraahimayada oo ilaa hadda ay ku jirto. Dalkan mad-hab ahaanta u badan Shiiacada ayaa si weyn u taageera Isra’el oo uu dhex maray xidhiidh diblumaasiyadeed oo aad u xooggan.
5: Morocco.
Jamhuuriyadda Carbeed ee Morocco waxa ay waxay Israel si rasmi ah u aqoonsatay sannadkii 2020-kii, waxana hadda aad u xooggan xidhiidhka Rabbaat iyo Talbiib iyaga oo iska kaashada dhinac dhaqaalaha iyo horumarka iyi siyaasadda
6: Waddanka Suudaan ayaa isna heshiis rasmiya la galay waddanka Israa’iil iyagoo saxeexay heshiiska abraham accords.
abraham accords muxuu yahay ?
Waa heshiis iskaashi oo uu gadh wadeen ka yahay madaxweyne Trump kaas oo ay xidhiidh ku wada yeelanayaan dalalka Islaamka iyo Israel, iyaga oo ka wada shaqaynaya dhinaca ganacsiga iyo xidhiidhka Caalamiga ah.
Heshiiskan sannadkan waxa ku biiray Kazakhstan oo ah dalka haysta kaydka gaas ee ugu badan Caalamka ahna dal xidhiidh dhow la leh dawladda Turkiga.
Waddamada kale ee la filanayo.
Waddamo aad u badan oo Carbeed ayaa la filayaa in ay muddooyinka soo socda ku biiraan safka Isra’el waxana ka mid ah Sucuudiga, Suuriya, Cumaan, Yamanta Koonfureed iyo Muritaaniya.
SomaliSwiss Media

