Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, ayaa si cad uga falceliyay sii-daynta dukumentiyo la xiriira Jeffrey Epstein, isagoo ku baaqay in dhammaan faylasha iyo dukumentiyada la hayo si buuxda loo shaaciyo, si shacabka Mareykanka iyo caalamkuba u helaan runta dhabta ah.
Afhayeenka Bill Clinton ayaa si adag u dhaliilay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka (DOJ), isagoo ku eedeeyay in ay si ula kac ah u qarinayso macluumaad muhiim ah. Sida uu sheegay, wasaaraddu waxay u muuqataa mid “ilaalinaysa qof ama arrin gaar ah” iyadoo aan weli si buuxda u sii dayn dhammaan dukumentiyada la xiriira kiiska Epstein.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada lagu dalbanayo daahfurnaan buuxda iyo in la caddeeyo cid kasta oo ku lug lahayd ama xiriir la lahayd Jeffrey Epstein, oo magaciisu si weyn ugu lug yeeshay fadeexado la xiriira tacaddiyo galmo iyo isticmaal awood.
Bill Clinton ayaa horey u beeniyay wax lug ah oo uu ku lahaa falalka Epstein, balse wuxuu hadda ku adkeysanayaa in furitaanka dhammaan dukumentiyada ay tahay tallaabada kaliya ee lagu xaqiijin karo caddaalad, laguna soo afjari karo tuhunka iyo shakiga taagan.
SomaliSwiss Media

