Xirmada adkeynta dhaqaalaha ee dowladda Switzerland ayaa si weyn loo khafiifiyay kadib dood iyo go’aan ay gaareen baarlamaanka. Lacagaha federaalka ee ku baxa adeegyada la xiriira Swiss-ka ku nool dibadda lama jarin.
Qeyb weyn oo ka mid ah kalfadhiga guga ee baarlamaanka ayaa loo huray xirmada adkeynta dhaqaalaha ee dowladda, taas oo loogu talagalay in lagu badbaadiyo ilaa 3 bilyan oo faran Swiss ah (CHF3 billion) sanadkii, si loo ilaaliyo nidaamka xakamaynta deymaha mustaqbalka.
Hase yeeshee, baarlamaanka ayaa fursad u helay inuu ka doodo tallaabooyinkan, isla markaana uu yareeyo saameynta culus ee ay yeelan lahaayeen.
Kalfadhigii jiilaalka, Aqalka Sare ayaa horey u dhimay qorshaha jarista in ka badan saddex meelood meel. Kalfadhigan guga, Aqalka Wakiillada ayaa isaguna sii jilciyay tallaabooyinka kaydinta ee la soo jeediyay.
Ugu dambeyntii, qiyaastii 60% oo keliya oo ka mid ah jaristii la qorsheeyay ayaa weli haray.
SomaliSwiss Media

