Switzerland waa dal aan bad lahayn (landlocked), oo aan si toos ah u gaarin wax bad ah. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu si yaab leh ugu xiran yahay afar badood. Inkastoo ay u muuqato wax is khilaafsan, tani waa arrin juqraafiyeed gaar ah oo ka jirta Yurub: roobka iyo biyaha barafka ka dhalaala buuraha Alps-ka ee Switzerland waxay u qulqulaan afar badood oo kala duwan.
Dhibic roob ah oo ku da’da buuraha Alps-ka Switzerland waxay mustaqbalka ku biiri kartaa malaayiin dhibcood oo kale, iyadoo gaarta meelo kala fog: Badweynta Waqooyi (North Sea), Badda Mediterranean-ka, Badda Madow (Black Sea), ama Badda Adriatic.
Arrintan waxaa suurto gelisa meesha gaarka ah ee Switzerland kaga taallo bartamaha Yurub. Buuraha Alps-ku waxay ka mid yihiin meelaha ugu muhiimsan ee biyuhu ku kala qaybsamaan qaaradda.
Goobaha sare ee buuraha iyo marinada (passes) ayaa go’aamiya jihada biyaha — mararka qaarna waxay safraan kumannaan kiiloomitir ka hor inta aysan gaarin mid ka mid ah afartaas badood.
“Qalcadda Biyaha ee Yurub”
Laga soo bilaabo qarnigii 19aad, Switzerland waxaa loo yaqaanay “qalcadda biyaha ee Yurub”. Inkastoo aysan kaydin biyo macaan oo badan marka loo eego qaaradda oo dhan, haddana webiyo waaweyn ayaa ka soo bilaabma ama biyo badan ka hela Switzerland.

Afarta webi ee ugu muhiimsan waa:
- Rhine
- Rhône
- Ticino
- Inn
Sida ay sheegtay Hay’adda Cilmiga ee Switzerland (SCNAT), ku dhowaad 65% biyaha dalka waxay maraan webiyada Aare, Reuss iyo Rhine, iyagoo sii maraya Germany, waqooyiga France iyo Netherlands, kuna dhammaada Badweynta Waqooyi.
Qiyaastii rubuc (¼) biyaha Switzerland waxay u socdaan koonfurta France, iyagoo mara Rhône iyo harada Geneva, kuna qulqulaya galbeedka Badda Mediterranean-ka.
Dhanka kale, biyaha ka yimaada koonfurta Switzerland waxay gaaraan Badda Adriatic iyagoo mara Ticino iyo webiga Po ee Talyaaniga. Halka webiga Inn uu ka soo baxo gobolka Engadine, kadibna ku biiro webiga Danube, ugu dambayna ku shubo Badda Madow isagoo sii maraya dalal badan sida Austria, Slovakia, Hungary, Croatia, Serbia, Romania, Bulgaria, Moldova iyo Ukraine.
Gunaanad:
Inkasta oo Switzerland aysan lahayn bad, haddana waxay door weyn ka ciyaartaa socodka biyaha Yurub — taasoo ka dhigaysa meel muhiim ah oo isku xirta afar badood oo kala duwan.
SomaliSwiss Media

