Shan Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Goppenstein – Kadib Markii Baraf-Daadsan (Lawine) Ku Dhacay Wallis

BySomaliSwiss

February 16, 2026

Subaxnimadii hore ee Isniinta ayaa shil tareen ka dhacay deegaanka Goppenstein ee gobolka Wallis (VS), kaddib markii baraf-daadsan (lawine) uu ku dhacay jidka tareenka. Shilkaas ayaa sababay in tareenku ka baxo khadka (entgleisung), waxaana ku dhaawacmay shan qof.

Sida ay sheegtay Kantonspolizei Wallis (Booliska Gobolka Wallis), mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka magaalada Sion si xaaladdiisa loola tacaalo, halka afarta kale lagu daweeyay goobta shilka.

Dadkii Saarnaa Tareenka Oo La Badbaadiyay

Wadarta 29 qof oo saarnaa tareenka xilligii uu shilku dhacayay ayaa si nabad ah looga daadgureeyay goobta, waxaana loo qaaday deegaanka Gampel.

Howlgalka gurmadka waxaa ka qayb qaatay diyaarado qumaatiga u kaca oo ay leedahay Air Zermatt iyo laba ambalaas oo dhulka ah. Ciidamada gurmadka ayaa si degdeg ah u gaaray goobta si ay u hubiyaan badbaadada rakaabka iyo shaqaalaha tareenka.

Jidka Tareenka Oo La Xiray

Kadib shilka, khadka tareenka ee mara aagga Goppenstein ayaa si ku meel gaar ah loo xiray, si loo sameeyo baaritaan iyo nadiifinta barafka ku soo rogmaday jidka. Maamulka ayaa la filayaa inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan sababta rasmiga ah ee keentay shilka iyo muddada uu xirnaan doono khadku.

Shilalkan la xiriira baraf-daadsanka ayaa inta badan ka dhaca xilliyada jiilaalka ee buuraha Switzerland, gaar ahaan gobollada sida Wallis oo caan ku ah buuro dhaadheer iyo roobab baraf culus.

Somaliswiss Media