Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay tallaabada ay Mareykanku ku qabteen Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, iyo xaaskiisa, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo. Beijing ayaa ku tilmaantay arrintan mid si toos ah uga hor imaaneysa sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida dowladaha.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in falkaasi uu yahay xadgudub weyn oo dhaawacaya qiyamka iyo hab-dhaqanka xiriirka dowladaha caalamka, isla markaana khatar ku ah xasilloonida siyaasadeed ee gobolka Latin America. Shiinaha ayaa ku booriyay Mareykanka inuu joojiyo tallaabo kasta oo kicin karta xiisado cusub oo caalami ah.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Mareykanku madaxweynaha Venezuela iyo xaaskiisa ka qabtay hoy ay ku sugnaayeen caasimadda dalkaas ee Caracas, kadibna loo qaaday gudaha Mareykanka, halkaas oo haatan lagu hayo xabsi gaar ah oo ku yaalla magaalada New York. Ilaa iyo hadda, dowladda Mareykanka kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta tallaabadan loo qaaday.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn ballaaran oo caalami ah, iyadoo dalal dhowr ah iyo hay’ado caalami ah ay si dhow ula socdaan xaaladda, kana digayaan cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo ka dhalan karta.
SomaliSwiss Media

