Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si cad oo adag u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba ka aamusayn faragelin kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida, midnimada iyo karaamada Qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ballaaran oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu kula hadlay hal-doorka, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah. Wuxuu xusay in Dowladda Federaalka ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta midnimada dalka iyo difaaca danaha Qaranka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in faragelin kasta oo dibadda ah ama mid gudaha ah oo wiiqaysa qarannimada Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin Dowladda, isla markaana ay jiraan tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed oo lagu wajihi doono cid kasta oo ku xadgudubta madax-bannaanida dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda dalka, isaga oo adkeeyay in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara, xasillooni siyaasadeed iyo midnimo qaran, si Soomaaliya u gaarto horumar iyo dowladnimo buuxda.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dowladdooda, kana shaqeeyaan midnimo iyo wadajir, si looga hortago faragelin kasta oo khatar ku ah mustaqbalka Qaranka Soomaaliyeed.
SomaliSwiss Media

