Sandra Studer Oo Loo Doortay Haweeneyda Ugu Quruxda Badan Switzerland 2025 – Glückspost

BySomaliSwiss

December 26, 2025

Wargeyska caanka ah ee Glückspost ayaa ku dhawaaqay in Sandra Studer (56 jir) loo doortay haweeneyda ugu quruxda badan Switzerland sanadka 2025. Guddiga tifaftirka ayaa sheegay in Studer ay si gaar ah u soo jiidatay sannadkii la soo dhaafay, gaar ahaan ka dib markii ay daadihisay European Song Contest ee lagu qabtay Basel.

Glückspost waxay xustay in guushan ay u tahay “wareeg nolosheed oo xirmay”, maadaama Sandra Studer ay iyaduna tartanka ka qaybgashay sanadkii 1991, iyadoo markaas ku tartamaysay magaca Sandra Simó.

Kaalmaha Kale:

  • Kaalinta 2-aad: Beatrice Egli (sida sanadkii hore)
  • Kaalinta 3-aad: Mona Vetsch (guuleystihii sanadkii hore)

SomaliSwiss Media