Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka 2026

BySomaliSwiss

December 23, 2025

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo si rasmi ah u ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo dhan $1.386 bilyan.

Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka Miisaaniyadda Labada Aqal, Xildhibaan Cabdi Warsame Qowdhan, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixinta akhrinta saddexaad, isaga oo sharaxay qodobada muhiimka ah ee miisaaniyadda.

174 xildhibaan ayaa oggolaaday miisaaniyadda, 4 xildhibaan ayaa ka hor yimid, halka 1 xildhibaan uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Ansixintan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka sanadka 2026.

SomaliSwiss Media