Shirkadda weyn ee tafaariiqda Switzerland ee Migros ayaa ku dhawaaqday isbeddel weyn oo ku saabsan qaabka ay u maareyso dalabyada qiimo-dhimista (Aktionen). Migros waxay qorsheyneysaa in mustaqbalka si dhexe loo habeeyo dhammaan ololayaasha qiimo-dhimista, tallaabadan oo lagu doonayo in lagu fududeeyo nidaamka islamarkaana lagu yareeyo jahawareerka macaamiisha.
Migros ayaa sheegtay in tirada dalabyada qiimo-dhimista la dhimi doono si weyn, iyadoo laga dhigi doono 400 dalab, halka ay hadda ka yihiin ku dhowaad 4000 dalab. Inkasta oo arrintani marka hore u muuqan karto mid keeni karta koror qiime, haddana shirkaddu waxay caddeysay in ujeeddadu tahay in qiimaha guud ee badeecadaha hoos loo dhigo.
Maamulka Migros ayaa aaminsan in yareynta dalabyada badan ay suuragelin doonto qiimo joogto ah oo hooseeya, halkii laga heli lahaa qiimo-dhimisyo kala go’go’an oo mararka qaar macaamiisha ku adkeeya inay fahmaan qiimaha dhabta ah ee alaabta. Tani waxay si gaar ah faa’iido ugu yeelan doontaa macaamiisha si joogto ah uga dukaameysta Migros.
Isbeddelkan cusub ayaa la filayaa inuu kor u qaado kalsoonida macaamiisha, isla markaana Migros ka dhigo suuq-weyne leh qiimo cad, hufnaan iyo tartan xoogan oo ka dhan ah dukaamada kale ee Switzerland.
SomaliSwiss Media

