Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ku dhowaad 10,000 askari oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed si buuxda loogu diyaariyey sugidda ammaanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu wado in 25-ka Diseembar ka qabsoomaan degmooyinka magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo la hadlay warbaahinta ka hor qabsoomidda doorashooyinka, ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay dhammeysteen qorshayaal amni oo dhameystiran, kuwaas oo lagu xaqiijinayo in doorashooyinka u dhacaan si nabad ah, hufan oo kalsooni leh.
Wasiirku wuxuu xusay in ciidamadu ay si gaar ah mas’uul uga noqon doonaan ammaanka codbixiyeyaasha, goobaha codbixinta, shaqaalaha doorashada iyo ka hortagga fal kasta oo amni-darro ah. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha kala duwan ee ammaanka si loo xaqiijiyo jawi doorasho oo deggen.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidanka amniga, isla markaana ay ka qeyb qaataan doorashooyinka si nabad ah, iyaga oo ballan qaaday in la qaadi doono tallaabooyin degdeg ah haddii ay dhacaan falal khatar gelin kara ammaanka guud.
Diyaargarowgan ballaaran ayaa muujinaya dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga caasimadda iyo hubinta in doorashooyinka golayaasha deegaanka ay noqdaan kuwo si nabad ah oo guul leh ku qabsooma magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Media

