SomaliSwiss Media waa warbaahin madax-bannaan oo si gaar ah ugu hadasha kana shaqeysa danaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Switzerland. Warbaahintani waxay xoogga saartaa tebinta wararka Soomaalida Switzerland, sharciyada iyo nidaamka dalka, iyo is-dhexgalka bulshada Soomaaliyeed iyo tan Swiss, si ay u fududeyso fahamka iyo wada noolaanshaha bulshooyinka.
Maxay u taagan tahay SomaliSwiss Media.
SomaliSwiss Media waxay u taagan tahay ka haqabtirka bulshada Soomaaliyeed warar sax ah, xog ogaal ah oo ku saabsan Switzerland iyo Soomaaliya, iyadoo mudnaan siinaysa warar la hubo, falanqeyn dheellitiran iyo wacyigelin bulsho.
Titatirka Wararka SomaliSwiss Media.
Warbaahinta SomaliSwiss Media waxaa tifatira Wariye Ahmed Tooyo, oo ah saxafi Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh saxaafadda, kana soo shaqeeyay warbaahinta caalamiga ah, gaar ahaan Telefishinka Universal TV. Khibraddiisa iyo aqoontiisa saxaafadeed waxay door weyn ka qaataan tayada iyo kalsoonida wararka ay baahiso SomaliSwiss Media.
SomaliSwiss Media codka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland.

