Subaxnimadii Talaadada ayay xildhibaanada Baarlamaanka Qaranka Switzerland ee xisbiga SP, Tamara Funiciello (35) iyo Anna Rosenwasser (35), soo saareen muuqaal si weyn u qabsaday baraha bulshada, gaar ahaan Instagram. Labada xildhibaan ayaa si cad u muujiyay caro iyo niyad-jab ka dhashay go’aan ay Baarlamaanka Qaranku ku diideen hal milyan oo faran oo loogu talagalay la-dagaallanka rabshadaha ka dhanka ah haweenka.
“Baarlamaanka Qaranka ayaa hadda diiday hal milyan oo faran oo lagu taageerayo dadaallada lagula dagaallamayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka,” ayay tiri Anna Rosenwasser. Waxay intaas ku dartay: “Arrintan ma aqbalayno.”
Tamara Funiciello ayaa iyaduna ugu baaqday shacabka inay ficil qaadaan, iyadoo tiri: “Waxaan isku arki doonnaa caawa 18:30 Fagaaraha Federaalka ee Bundesplatz.”Muuqaalka ay baahiyeen labadan xildhibaan ayaa si degdeg ah u noqday mid si weyn loo wadaago (viral), wuxuuna dhaqaajiyay dad badan oo ka careysan go’aankaas.
Dadweyne tiro badan ayaa muujiyay taageeradooda, iyagoo dood kulul ka abuuray sababta loo diiday hal milyan oo faran, halka dowladda federaalku qorshaynayso inay bixiso ku dhowaad 90 bilyan oo faran sanadaha soo socda.
Arrintan ayaa mar kale iftiimisay doodda ku saabsan mudnaanta miisaaniyadda dowladda Switzerland, gaar ahaan ilaalinta haweenka iyo la-dagaallanka rabshadaha ku saleysan jinsiga, taas oo noqotay mawduuc si weyn loo hadal-hayo dalka oo dhan.
SomaliSwiss Media
Somaliswiss.ch

