Sunni iyo Shiica keed…….?

BySomaliSwiss

March 26, 2026

1. Haddii Qof Muslim ah la weeydiiyo “Catgolic” iyo ” protestan” kee kula roon, waxa uu ku leeyahay Labaduba waa “Christian” waxba iskuma keey dhaamaan.

2. Haddii Qof “Christian” ah la weeydiiyo Suuni iyo Shiica kee kula roon, waxa uu leeyahay Labaduba waa Muslimiin, Ahlu Towxiid ah, waxba iskuma keey dhaamaan.

3. Madaxweynihii Cuba – Fidel Castro ayaa Doorashadii Mareykanka ee 1960-kii la weeydiiyay, Musharixiinta Nixon iyo Kennedy keed door bidee? Waxa uu yiri: (( lama kala xulan karo Laba Kabood oo Hal Qof wada gashado)) Ameerica waxaa xakumo Hal Xisbi yuhuud oo ah ( Zionist part) oo leh lama garab.

A. Garabka Fog ee Republican party.

B. Garabka Awoodda Dabacsan ee Democratic party

Labadaba hadafkoodu waa isku mid ee waxaa u kala duwan Dariiqa lagu gaarayo. Haka Caqli yaraan Fidel Castro ( F.S:1aad).

Anigu waxaan ahay Sunni-Shaafici- Axmadiya-Ahlu dariiqa ah Xerta Sh. Xassan Macallim-Xerta Sh. Cali Maye – Xerta Sh. Ibrahim Yate.

wax badan oo ila qalafsan ayaa shiicada iiga muuqdo, laakin uma arko Dad Gaalo ah inta ay Towxiidka heeystaan. Dariiqooyin Badan oo Dad muslimiin ah ay raaceen sida Wahaabiya qaarkood ayaa muslimiinta qaar gaaleeysiiyo, Laakin Shiicadu cidna ma gaaleeysiiso Haddii ay ka aragti duwan tahay, marba Haddii ay Muslim yihiin.

Somalidu waa Suuni in kasta oo Hadda la heli karo Shiico bilaaw ah. Somalida waxaa ku badan Dariiqooyinka Qaadiriya iyo Axmadiya Ismana gaaleeysiiyaan.

Ogow, inta aan Ahlu Towxiidka aheyn oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Israel, waxa ay u arakaan Suniyiinta iyo Shiicadu in ay wada yihiin Cadaw isagu mid ah oo la yiraa, Islaam. Fidel Kastro haka ogaal yaraan.

Fikirkaaga Ballaari, meel gaaban wax haka fiirin ee Xaaladaha Aduunka Gadaal ka fiiri. Si aan laguugu Abuurin Cadaawad aadan ogeyn Xididadeeda Taariikhiga ah,

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore:Yahya Amir