Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu oggolaaday ku biirista nidaamka e-Baasaboorka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo ka dhigeysa xubintii lixaad ee awood u leh inay soo saarto baasaboor goboleed ay aqoonsan yihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururka.
Tallaabadan ayaa ka dhigan horumar weyn oo dhinaca isku socodka, ganacsiga, iyo isdhexgalka gobolka ah, maadaama e-Baasaboorka EAC uu fududeeyo safarka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah.
Dalalka Hore u Hirgeliyay e-Baasaboorka EAC
Dalalkan ayaa hore u bilaabay nidaamka e-Baasaboorka iyo taariikhaha ay dhaqan geliyeen:
- 🇰🇪 Kenya – 1 Sebtembar 2017
- 🇹🇿 Tanzania – 31 Janaayo 2018
- 🇧🇮 Burundi – 31 May 2018
- 🇺🇬 Uganda – 18 Disembar 2018
- 🇷🇼 Rwanda – 1 Luulyo 2019
Soomaaliya ayaa hadda si rasmi ah ugu biirtay dalalkan, iyadoo la filayo in dhowaan la bilaabo soo saarista baasaboorada cusub ee EAC.
Dalalka Weli Aan Hirgelin
Inkasta oo ay xubno ka yihiin EAC, haddana dalalkan wali ma aysan dhaqan gelin nidaamka e-Baasaboorka:
- 🇸🇸 Koonfurta Suudaan
- 🇨🇩 Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
Maxaa Soomaaliya Uga Faa’iido ah?
Ku biirista nidaamka e-Baasaboorka EAC waxay Soomaaliya u horseedi kartaa:
- ✔️ Fududeynta safarka muwaadiniinta gudaha gobolka
- ✔️ Kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga
- ✔️ Xoojinta iskaashiga amniga iyo xog-isweydaarsiga
- ✔️ Sare u qaadidda sumcadda baasaboorka Soomaaliya
Tani waxay sidoo kale ka tarjumaysaa dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso is dhexgal buuxa oo gobolka Bariga Afrika ah, iyadoo ka faa’iidaysanaysa xubinnimada ay ka heshay EAC.
SomaliSwiss Media

