Shil culus ayaa ka dhacay waddada weyn ee A3, gaar ahaan agagaarka Urdorf, kadib markii gaari xamuul ah (LKW) uu ku dhacay saf gaadiid ah oo istaagay. Shilkaas ayaa sababay dhaawac soo gaaray afar qof, halka labo ka mid ah dadkaas ay si daran u dhaawacmeen.
Wararka ayaa sheegaya in shilka uu dhacay wax yar kadib 9:30 subaxnimo, inta u dhexeysa Urdorf-Süd iyo Urdorf-Nord. Sababta rasmiga ah ee shilka wali lama oga, waxaana baaritaan wada booliska iyo xeer-ilaalinta si loo ogaado waxa sababay dhacdada.
Saameynta shilka ayaa ahayd mid xooggan, iyadoo saddexdii gaari ee ugu dambeysay safka ay isku burbureen markii uu gaariga xamuulka ahi ku dhacay. Laba qof oo qaangaar ah ayaa laga soo saaray gaariga ugu dambeeyay iyagoo qaba dhaawacyo halis ah. Ilmo yar oo jira hal sano iyo bar iyo haweeney kale oo waday gaari ayaa iyaguna si fudud u dhaawacmay.
Kooxaha gurmadka degdegga ah, oo ay ku jiraan diyaaradda gurmadka degdegga ah (helikopter) iyo ambalaasyo, ayaa dhaawacyada u kala qaaday isbitaallo kala duwan. Saddex qof oo kale – lamaane is qaba iyo ilmo yar – iyo sidoo kale darawalka gaariga xamuulka ah ayaan wax dhaawac ah soo gaarin.
Shilka kadib, waddada A3 ee u socota dhanka woqooyi ayaa la xiray dhowr saacadood, taasoo keentay ciriiri baabuur oo xooggan iyo hakad ku yimid isu socodka waddooyinka ku xeeran.
Booliska ayaa weli ku guda jira baaritaanka, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah la soo saaro marka la ogaado sababta dhabta ah ee shilka.

