Dowladda Ruushka ayaa bilowday olole cusub oo militari oo ku saleysan adeegsiga diyaarado dagaal oo casri ah (drones), kuwaas oo la sheegay in si weyn u beddeli kara jihada dagaalka Ukraine. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa la sheegay inuu diyaarinayo weerar kale oo ballaaran, isagoo xoogga saaraya teknoolajiyad cusub.
Ruushka ayaa bilaabay isticmaalka diyaarado dagaal oo jaban oo nooca Molniya-2 ah, kuwaas oo tiro aad u badan laga soo saarayo warshadaha dalkaas. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahaasi lagu xoojiyay nidaamka isgaarsiinta dayax-gacmeedka Starlink, taas oo kordhisay masaafada ay duuli karaan ilaa afar laab, isla markaana sare u qaaday saxnaanta weerarradooda.
Mas’uuliyiin iyo falanqeeyayaal militari ayaa tilmaamaya in ujeeddada tiknoolajiyadan cusub ay tahay in cadaadis xooggan lagu saaro ciidamada Ukraine, gaar ahaan in la beegsado khadadka sahayda iyo gaadiidka milatari ee ku wajahan Kyiv.
Dhinaca Ukraine, weli si rasmi ah looma xaqiijin faahfaahinta sheegashada Ruushka, balse xaaladda dagaalka ayaa weli kacsan, iyadoo labada dhinacba ay sii wadaan adeegsiga hub casri ah iyo xeelado cusub oo dagaal.
SomaliSwiss Media

