Telefishinka Jarmalka ee RTL ayaa si ku-meel-gaar ah u joojinaya barnaamijka caanka ah ee Wer wird Millionär? maalmaha Isniinta. Go’aankan waxaa si toos ah u shaacinaya weriyaha caanka ah Günther Jauch inta lagu jiro barnaamijka 20-ka Abriil.
Barnaamijka waxaa si ku-meel-gaar ah u beddelaya show cusub oo la yiraahdo Die Weisheit der Vielen, kaas oo uu daadihinayo Ralf Schmitz. Show-gan cusub wuxuu bilaabanayaa 27-ka Abriil waqtiga ugu muhiimsan (Primetime).
Qaabka cusub:
- Hal tartame ayaa la tartamaya ilaa 200 qof oo daawadayaal ah.
- Dadka ayaa si wadajir ah u qiyaasaya jawaabaha su’aalo nolol-maalmeed ah.
- Tartamuhu wuxuu ku guuleysan karaa ilaa 10,000 euro mar kasta oo uu sax noqdo.
- Haddii uu khaldo, lacagtu waxay isu beddeshaa “jackpot” finalka lagu tartamo.
RTL waxay rajaynaysaa in qaabkan cusub uu keeno xiiso cusub, inkastoo aan la hubin inuu gaari karo sumcadda iyo daawadayaasha uu lahaa “Wer wird Millionär?”.
Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha waa la dejinayaa: barnaamijka “Wer wird Millionär?” wuxuu dib u soo laaban doonaa xilliga Pfingsten iyadoo la sameyn doono qayb gaar ah (special).
SomaliSwiss Media

