Qarax ka dhacay Illnau oo sababay khasaaro badan

BySomaliSwiss

February 26, 2026

llnau, Switzerland – Qarax weyn oo ka dhacay deegaanka Illnau ee Kanton Zürich ayaa sababay in ka badan 70 warbixin oo khasaaro ah, sida ay xaqiijisay Kantonspolizei Zürich.

Khasaaraha ayaa gaaray guryo iyo dhismayaal ku yaalla ilaa 10 kiiloomitir, waxaana la soo sheegay burbur ku yimid saqafyo, daaqado, albaabo iyo darbiyo. Ilaa hadda lama oga qiimaha guud ee khasaaraha.

Booliska ayaa sidoo kale helay walxo qarxa oo dheeraad ah goobta Tätsch, kuwaas oo aan la qaadi karin, waxaana la qorsheeyay in maanta la sameeyo qaraxyo la xakameeyay si loo burburiyo.

Baaritaanka sababta qaraxa ayaa wali socda, iyadoo dadka deegaanka lagu wargeliyay inay ka fogaadaan goobta ilaa hawlgallada la dhammeeyo.

SomaliSwiss Media