Maxaa ka socda doorashada Jabuuti? Geelle oo wajahaya mucaarad iyo dhaliilo

Doorashada madaxtinimada ee dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah ka dhacaysa, iyadoo ay ku tartamayaan madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle (xisbiga UMP) iyo musharraxa mucaaradka Maxamed Faarax Samatar (xisbiga CDU).

Qaar ka mid ah ururrada mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, iyagoo ku eedeeyay in aan si cadaalad ah loo maamulayn. Dhanka kale, xisbiga talada haya ee UMP ayaa diiday eedeymahaas, wuxuuna sheegay in doorashadu u furan tahay dhammaan musharraxiinta.

Guddoomiyaha ururka MRD, Daahir Axmed Faarax, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta taageersan qaadacaadda, isagoo ku doodaya in “waligeed doorasho dhab ah oo xor iyo caddaalad ah aysan ka dhicin Jabuuti,” inkastoo si rasmi ah doorashooyin dalkaasi uga dhaceen marar badan.