Israa’iil Oo Aqoonsatay Somaliland Kaddib Baaq Ka Soo Baxay Netanyahuy Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa la sheegay inuu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in dowladdiisu ay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo xor ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay munaasabad lagu qabtay khadka taleefoonka, taas oo uu kula hadlay Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo sar-sare.

Netanyahu ayaa hadalkiisa ku muujiyay in shacabka Somaliland ay xaq u leeyihiin aayo-ka-tashigooda, isagoo xusay in xaqaasi yahay mid caalami ah oo ku dhisan mabaadi’da qaramada casriga ah, isla markaana mudan in la ixtiraamo.

Wuxuu intaa ku daray in tallaabadan, sida lagu sheegay bayaanka, ay muujinayso taageerada Israa’iil ee rabitaanka iyo go’aanka shacabka Somaliland, gaar ahaan dadaallada ay ku doonayaan aqoonsi caalami ah iyo xasillooni siyaasadeed.

Intii ay munaasabaddaasi socotay, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa la sheegay inay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo is-afgarad ah, kaas oo lagu saleeyay Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), kuwaas oo hore loogu saxiixay hindisihii Madaxweyne hore ee Maraykanka, Donald Trump.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, isagoo ku ammaanay hoggaamintiisa iyo doorka uu ku leeyahay xasilinta, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada. Sida lagu sheegay warbixinta, Netanyahu ayaa Madaxweyne Cirro ku casuumay booqasho rasmi ah oo uu ku tago Israa’iil mustaqbalka dhow.

SomaliSwiss Media