Booliska magaalada Basel ayaa baadi-goobaya nin loo heysto isku-day kufsi iyo xadgudub galmo oo loo geystay ilmo 5 jir ah, dhacdadaas oo ka dhacday Oekolampad-Anlage duhurkii Khamiista, qiyaastii 12:00 duhurnimo.
Sida ay boolisku sheegeen, ninka eedeysanaha ah ayaa ilmaha ku jiiday musqul dadweyne, halkaas oo uu ka fuliyay fal galmo oo halis ah. Kahor inta uusan weerarkaasi dhicin, ninka ayaa sidoo kale weeraray oo dhaawacay haweeney 69 jir ah oo la socotay ilmaha, taasoo isku dayday inay ka hortagto falka.
Booliska Dambiyada (Kriminalpolizei) ayaa bilaabay baaq markhaatiyaal iyo baaritaan ballaaran, iyagoo soo saaray sawir-tilmaameed (Phantombild) si loo helo eedeysanaha.
Tilmaamaha Eedeysanaha:
- Da’ ahaan: 20 ilaa 30 sano
- Dherer: 170–180 cm
- Muuqaal: Nooc Waqooyi Afrika ah
- Midabka maqaarka: Bunni (aan aad u madow ahayn)
- Weji: Wareegsan
- Timo: Madow, qaro weyn oo qalloocan
- Dharka: Dhamaan madow (jaakad madow iyo surwaal madow)
- Muuqaal guud: Nadiif oo hagaagsan
Boolisku waxay si gaar ah u dalbanayaan in cid kasta oo wax aragtay ama xog haysa ay si degdeg ah ula xiriirto booliska Basel. Warbixin kasta—xitaa mid u muuqata mid yar—waxay kaalin muhiim ah ka qaadan kartaa helidda eedeysanaha iyo ilaalinta carruurta.
Digniin Bulsho:
Dhacdadan murugada leh waxay mar kale muujinaysaa muhiimadda badbaadinta carruurta, feejignaanta waalidiinta, iyo wada-shaqeynta bulshada. Boolisku waxay ku boorinayaan dadweynaha inay feejignaadaan, gaar ahaan goobaha dadweynaha.
Somaliswiss Media

