Tuugo tareen kula socday nin Swiss ah oo ka dhacay saacad 40,000 faran ah gudaha Milano

BySomaliSwiss

April 21, 2026

Nin u dhashay Switzerland ayaa lagu dhacay saacad aad qaali u ah oo qiimaheedu gaarayo ku dhowaad 40,000 faran, kadib weerar ka dhacay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Wararka ayaa sheegaya in afar dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda Waqooyiga Afrika ay bartilmaameedsadeen ninka, iyagoo la socday intii uu saarnaa tareen ka yimid Lugano kuna sii jeeday Milano Centrale. Tuugada ayaa la sheegay inay indhaha ku hayeen saacaddiisa qaaliga ah intii safarku socday.

Markii uu ninku ka degay tareenka, tuugada ayaa sii daba socday ilaa ay gaareen waddada Via Vittor Pisani oo ku dhow saldhigga weyn ee tareenada Milano. Halkaas ayay ku hareereeyeen oo weerar ku qaadeen, iyagoo ka qaatay saacaddii qaaliga ahayd kadibna baxsaday.

Booliska Talyaaniga ayaa sheegay in tuugada ay da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 21 sano, saddex ka mid ahna ay yihiin Masriyiin halka midka kalena uu yahay Moroccan. Saddex ka mid ah eedeysanayaasha ayaa durba la xiray, halka baaritaannaduna ay weli socdaan.

Kiiskan ayaa la sheegay in lagu ogaaday iyadoo la adeegsanayo kamaradaha amniga, kuwaas oo gacan ka geystay aqoonsiga iyo qabashada tuhmanayaasha.

SomaliSwiss Media