Booliiska dalka Austria ayaa wali baadi-goobaya dhalo kale oo cunto carruur ah oo ka tirsan shirkadda HiPP, kadib markii lagu helay sun jiir (rattengift). Dad aan la garanayn ayaa la sheegay inay isku dayayaan inay shirkadda ku handadaan arrintan.
Dhalo hore oo sun leh ayaa waxaa helay macmiil, kadibna wuxuu u gudbiyay booliiska. Hadda, booliiska ayaa ka shakisan in dhalo labaad oo kale ay suuqa ku jirto, gaar ahaan gobolka Burgenland ee koonfur-bari ka xiga Vienna.
Shirkadda HiPP ayaa caddeysay in alaabooyinkeeda laga isticmaalo Switzerland aysan waxba ka saameynin dhacdadan. Sidoo kale, badeecooyinka ku jira Germany iyo dalal kale oo Yurub ah ee aan ku jirin baaritaanka lama taaban.
Calaamadaha lagu garto dhalooyinka la farageliyay
Dhalooyinka la tuhunsan yahay waxaa lagu garan karaa:
- Daboolka oo la farageliyay
- Calaamad cad oo leh goobo cas oo ku taal hoosta dhalada
Afhayeenka shirkadda, Clemens Preysing, ayaa sheegay in tani ay tahay “faragelin dambiyeed oo dibadda ah”, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn tayada ama soo saarista alaabta.
Dalal kale oo la helay
Dhalooyin la mid ah ayaa sidoo kale laga helay Czech Republic iyo Slovakia, halkaas oo ganacsatada ay si taxaddar leh uga saareen dhammaan alaabta HiPP suuqa.
Khatar caafimaad
Sunta jiirka waxay keeni kartaa:
- Dhiig-bax fudud (sanka ama cirridka)
- Nabarro fudud oo jirka ka soo baxa
- Dhiig ku jira saxarada
Waalidiinta waxaa lagu wargeliyay in haddii carruurtooda ay muujiyaan calaamadahan kadib cunista cunto HiPP ah, ay si degdeg ah ula xiriiraan dhakhtar.
Shirkadda HiPP, oo asalkeedu yahay Pfaffenhofen, waxay ka mid tahay shirkadaha ugu caansan ee cunto carruur soo saara, xarunteeduna waxay ku taallaa Sachseln, gobolka Obwalden ee Switzerland.
SomaliSwiss Media

