Puntland iyo Itoobiya oo xoojinaya iskaashi amni iyo mid goboleed

BySomaliSwiss

March 29, 2026

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Itoobiya, oo uu hoggaaminayay Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya. Arrimaha mudnaanta la siiyay waxaa ka mid ahaa amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada, iyo horumarinta iskaashiga guud ee gobolka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda, isagoo xusay in wada-shaqeynta dhow ay muhiim u tahay sugidda nabadda iyo xasilloonida mandaqadda. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Puntland ay diyaar u tahay sii xoojinta xiriirka kala dhexeeya Itoobiya.

Dhanka kale, wafdiga ka socday Itoobiya ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leeyihiin Puntland, iyagoo tilmaamay muhiimadda iskaashi amni oo xooggan si loo xaqiijiyo nabad waarta oo gobolka ah.