Hay’adda Dhaqaalaha Maraykanka ayaa shaacisay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu noqon doono madaxweynihii ugu horeeyay ee saxiixiisu ka muuqdo lacagta waraaqaha ah ee dollarka Maraykanka.
Saxiixa Trump ayaa lagu dari doonaa lacagta dollarka, iyadoo sidoo kale saxiixa Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, uu sii jiri doono. Tallaabadan ayaa la sheegay inay bilaaban doonto xuska 250-guurada madaxbannaanida Maraykanka, markaasoo dalka ka xoroobay gumeystihii Ingiriiska.
“Ma jiro hab ka awood badan oo lagu muujin karo guulaha taariikhiga ah ee dalkeenna marka loo eego lacagta dollarka ee magaciisa xambaarsan,” ayuu yiri Bessent.
Caadi ahaan, lacagta waraaqaha ah ee Maraykanka waxaa ku yaalla saxiixyada mas’uuliyiinta maaliyadda. Tani waxay noqoneysaa tallaabadii ugu dambeysay ee maamulka Trump uu ku doonayo in magaca madaxweynaha sare loogu qaado.
Lacagta $100 ee ugu horreysa ee wata saxiixyada Trump iyo Bessent ayaa la daabici doonaa bisha Juun, iyadoo kuwo kale ay ku xigi doonaan. Tan iyo 1861, waxaa caado ahayd in saxiixa Treasurer-ka Maraykanka uu ka muuqdo lacagta waraaqaha ah, balse qorshahan ayaa beddeli doona dhaqankaas.
Dadaal ay dowladu ku dooneysay in sawirka Trump lagu dhajiyo qadaadiicda $1, ayaa waxaa dib u dhigay sharciyo mamnuucaya sawirka shakhsiyaadka nool ee qadaadiicda Maraykanka.

