Weerar lagu qaaday dukaan dahab

BySomaliSwiss

March 21, 2026

Galabnimadii Jimcaha ayaa howlgal ballaaran oo booliis ka dhacay xaafadda Littau ee magaalada Luzern. Booliiska ayaa xaqiijiyay in nin uu ku dhaawacmay rasaas, dhaawaciisuna yahay mid naftiisa halis gelinaya, waxaana la raadinayaa markhaatiyaal.

Galabnimadii Jimcaha ayaa rasaas laga riday waddada Baselstrasse ee magaalada Luzern. Nin Swiss ah oo 31 jir ah ayaa halkaas si daran loogu dhaawacay, sida ay sheegtay booliiska Luzern.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dambiilayaal aan la aqoonsan ay goobta ka baxsadeen ka hor inta aysan ciidamada ammaanku imaan, iyagoo watay gaari cad oo nooca xamuulka yar ah (van), kuna sii jeeday dhanka ka baxsan magaalada. Gaariga la tuhunsan yahay ayaa wax yar kadib lagu arkay xaafad ku taalla Littau, balse inkastoo si degdeg ah loo bilaabay raad-raac, haddana dambiilayaashii way baxsadeen.

SomaliSwiss Media