Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shir gaar ah oo ay yeesheen ku go’aamiyay in ay guddi gaar ah u diraan shirka muhiimka ah ee berri ka dhacaya Madaxtooyada, si ay uga qaybqaataan wada-xaajoodka siyaasadeed ee socda.
Xubnaha la Xaajoonaya Madaxweynaha
Guddi ka socda Golaha Mustaqbalka ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xubnaha ugu muhiimsan ee loo xushay wada-hadallada ka mid ah:
- Shariif Sheekh Axmed – Madaxweyne hore
- Siciid Cabdullaahi Deni – Madaxweynaha Puntland
- Xasan Cali Khayre – Raysal Wasaare hore
- Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame – Xildhibaan
Sidoo kale, waxaa guddiga ku biiraya Cabdilaahi Carab, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin in uu beddelay mid ka mid ah xubnaha hore loo magacaabay.
Khilaaf ka Jira Isudheelitirka Beelaha
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dood adag ka yeeshay arrinta isudheelitirka beelaha, gaar ahaan marka la samaynayo:
- Kulamada Madaxtooyada
- Shirarka siyaasadeed ee waaweyn
Wararka ayaa sheegaya in ay jirto cabasho ku saabsan in labo beelood ay si gaar ah u noqdeen kuwa inta badan metela shirka, taasoo keentay in xubnaha kale ay dalbadaan in la helo cadaalad iyo matalaad siman.
SomaliSwiss Media

