Golaha Baarlamaanka Gobolka Zug (Kantonsrat) ayaa si cad u diiday soo jeedin ay keentay xisbiga SVP, taas oo ku talinaysay in jagooyinka hoggaamineed ee sare lagu xiro lahaanshaha jinsiyadda Swiss. Go’aankan ayaa lagu ansixiyay codad 48 ka soo horjeeda 29, iyadoo la caddeeyay in baasaboorka Swiss aanu noqon doonin shuruud qasab ah oo lagu shaqaaleysiiyo jagooyinka sare ee maamulka iyo waxbarashada.
Soo jeedinta SVP ayaa dalbanaysay in shaqaalaha qabta xilalka hoggaamineed sida Xoghayeyaasha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha (Amtsleiter) iyo Maamulayaasha Dugsiyada lagu xiro shardi ah inay haystaan jinsiyadda Swiss marka la shaqaaleysiinayo. Si kastaba, aqlabiyadda Baarlamaanka Gobolka Zug ayaa ku dooday in kartida, khibradda iyo xirfadda shaqsiga ay ka muhiimsan yihiin jinsiyadda.
Xildhibaanada diiday mooshinka ayaa sheegay in ku xidhnaanta jinsiyaddu ay xaddidi karto helitaanka shaqaale tayo leh, isla markaana ay dhaawici karto sinnaanta fursadaha shaqo ee bulshada ku nool Zug, gaar ahaan ajaanibta aqoonta iyo waayo-aragnimada leh.

Go’aankan ayaa muujinaya jihada ay qaadanayso siyaasadda shaqaaleysiinta ee gobolka Zug, taas oo diiradda saareysa tayada shaqada iyo kartida shaqaalaha, halkii laga eegi lahaa dhalashada. Arrintan ayaa sidoo kale farriin u diraysa dugsiyada iyo hay’adaha maamulka in hoggaaminta lagu saleeyo xirfad iyo hufnaan.
SomaliSwiss Media

