Fanaanaddii caanka ahayd ee hore codka u siisay DJ Bobo, Lori Glori (66), ayaa wajahaysa khatar ah in laga masaafuriyo dalka Switzerland, kaddib markii ay mas’uuliyiinta Swiss go’aansadeen in ay kala noqdaan ogolaanshaheeda deganaanshaha joogtada ah (Niederlassungsbewilligung C).

Lori Glori oo asal ahaan u dhalatay Mareykanka, balse muddo dheer xiriir gaar ah la lahayd Switzerland, ayaa sanadkii 2015 u soo guurtay dalkaas kaddib markii ay guursatay muwaadin Swiss ah. Sanadkii 2021 ayay heshay deganaanshaha nooca C, kaas oo siinaya xaq deganaansho joogto ah.
Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha Swiss-ka ayaa hadda sheegaya in ay jebisay shuruudaha deganaanshaha, maadaama ay in ka badan lix bilood oo xiriir ah ka maqneyd dalka, arrin sharci ahaan keeni karta in ruqsadda C la laalo. Taasi waxay keentay in ay wajahdo suurtagalnimada masaafurin (Ausschaffung).
Lori Glori ayaa sheegtay in aysan ogeyn in maqnaanshaha ka badan 6 bilood uu halis gelinayo deganaanshaheeda, gaar ahaan maadaama ay tahay fanaanad si joogto ah u safarta sababo shaqo awgood.
Maxaa Laga Fahmaa Deganaanshaha B iyo C ee Switzerland?
Arrintan ayaa mar kale iftiimisay farqiga u dhexeeya ogolaanshaha deganaanshaha ee B iyo C:
- Ogolaanshaha B: Waa deganaansho ku meel gaar ah, badanaa lala xiriiriyo shaqo ama guur, lagana qaadi karo si fudud haddii shuruudaha la jebiyo.
- Ogolaanshaha C: Waa deganaansho joogto ah, balse ma aha mid aan shuruud lahayn. Qofka haysta waa inuu hubiyaa inuusan muddo dheer dalka ka maqnaan, haddii kale wuu lumin karaa.
Khibradda Lori Glori waxay digniin u tahay ajaannibta ku nool Switzerland, gaar ahaan kuwa safarro badan gala, in ay si fiican u fahmaan shuruudaha sharci ee deganaanshahooda si aysan ula kulmin dhibaato sharci.
Arrinta Lori Glori weli waa mid taagan, waxaana la sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee ay qaataan mas’uuliyiinta Switzerland.
SomaliSwiss Media

