PSG oo lagu xukumay inay Mbappé siiso mushaar iyo gunnooyin

BySomaliSwiss

December 17, 2025

Kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain (PSG) ayaa lagu xukumay inay Kylian Mbappé siiso lacag dhan 60 milyan oo Yuuro, kadib go’aan rasmi ah oo ka soo baxay maxkamad ku taalla Paris. Lacagtan ayaa la xiriirta mushaarooyin iyo gunnooyin (bonuses) aan hore loo bixin.

Maxkamaddu waxay caddeysay in PSG ay ku xadgudubtay heshiiskii Mbappé intii uu kooxda ka tirsanaa, islamarkaana aysan si buuxda u bixin mushaarka iyo abaal-marinnada lagu heshiiyay. Sidaas darteed, PSG waxaa lagu waajibiyay inay bixiso dhammaan lacagta lagu leeyahay.

Go’aankan ayaa si weyn u gilgilay sumcadda PSG, gaar ahaan xilli kooxda ay caan ku tahay laacibiin waaweyn iyo heshiisyo dhaqaale oo waaweyn.

Dhanka kale, Mbappé wuxuu tan u arkaa guul sharciyeed oo weyn, taasoo sii xoojisay kala fogaanshaha isaga iyo PSG.

SomaliSwiss Media

One thought on “PSG oo lagu xukumay inay Mbappé siiso mushaar iyo gunnooyin”

Comments are closed.